Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Hirshabelle oo maanta saxiixay labo hindise sharciyeed

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xafiiskiisa waxa uu ku saxiixay labada hindise-sharciyeed ee kala ah:-

1. Dhaqan-galka ansixinta miisaaniyad sannadeedka 2025 ee Dowladda Hirshabeelle.

2. ⁠Dhaqan-galka ansixinta hindise-sharciyeedka maareynta deegaanka ee Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa u mahadceliyay golaha Wadiiradda Hirshabelle iyo golaha Baarlamaanka oo horey u meel mariyay labadan hindise sharciyeed uu maanta saxiixay.

“Waxaan u mahadcelinayaa Golaha Wasiirrada iyo Barlamaanka Dowladda Hirshabeelle oo horay u soo ansixiyay miisaaniyada iyo sharciga deegaanka ee aan maanta saxiixay. Hirgelinta sharciyadan waxa ay guul weyn u tahay bulshada Hirshabeelle.” Ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Sannadka curran doonno ee 2025 , ayaa Madaxtooyada maamulka Hirshabelle sheegtay in la  ay shaqaalleysiiso shaqaallihii ugu badnaa ee ka mid noqdo shaqaallaha rayidka ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Related posts

Turkiga oo lagu xiray dad badan u shaqeynayey Sirdoonka Israel ee Mossad

Cabdi Cade

Tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka ee Magaalada Kismaayo oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Nin lacag abaalmarin ah ku helay Shabaab uu dilay oo isna maanta la dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---