Axmed Madoobe oo Shaki galiyay Madaxtinimada Farmaajo kana hadlay Fashilka Shirka Dhuusomareeb

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo goordhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusomareeb ayaa ka hadlay fashilka ku yimid shirkii wadatashiga ee u socday iyo cida sababteeda laheyd.

Axmed Madoobe ayaa fashilka shirka dusha ka saaray Dowlada federaalka gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo uu sheegay in Dowladnimada kala weenaatay in uu ku dhego hal gobol iyo hal degmo uu sheegay in beeshiisa degto.

“Madaxweynuhu wuxuu isku soo koobay sheegasho hal gobol iyo hal degmo oo Soomaaliya ka mid ah, oo degmo ka mid ah Gobolka Gedo oo kuraas ay taallo uu yiraahdo aniga un baa ka talinaya, haddaba Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday sidee buu Soomaaliya u xukumi karaa hadduu hal degmo sheegtay oo yiri annaa leh, anaa ka soo jeeda oo reerkeyga dega, anaa maamulaya oo doorashadeeda maamulaya, suurta gal miyay noqoneysaa Madaxweynuhu in Soomaaliyada kale oo dhan inuu isaga mas’uul ka noqdo oo yiraahdo anaa Madaxweyne ka ah, deegaan heerkaas la eg uu ku kooban yahay wax dhici kara maaha, waa Nasiib darro”ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shaki galiyay cida dalka maamuleysay mudo afar sano ah , waxa uuna tilmaamay in Farmaajo uusan sidan dalka ku maali karin una qalmin Madaxweyne Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Jubbaland in uu diyaar u yahay wax walbo oo xal lagu heli karo, waxa uuna nasiib daro ku tilmaamay dagaalka dowlada ka wado gobolka Gedo uu sheegay in dhibaato badan ka jirto.

Hadalka Madaxweynaha Jubbaland ayaa kusoo aadaya xili uu fashilmay laguna kala tagay shirkii Wadatashiga ee magaalada Dhuusomareeb uga socday Dowlada federaalka iyo madaxda maamul

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -