Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo beri hortagaya Baarlamaanka iyo Fariin loo diray Xildhibaanada

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in beri oo sabti ah uu hortago Baarlamaanka federaalka Soomaaliya si uu khudbad ugu jeediyo.

Gudoonka golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ayaa xildhibaanada u diray fariimo loogu sheegayo in beri kasoo qeyb galaan kulan gaar ah uu Xildhibaanada ku hor imaanayo kulana hadlayo Madaxweynaha Soomaaliya.

“Mudane xildhibaan, berri oo Sabti ah oo ay taariikhdu tahay 06 February, waxaa jira kulan gaar ah oo madaxweynaha JFS soo codsaday. Ajendaha: 1- Warbixin ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo doorashooyinka qaranka. Saacaddu waa 09:00 subaxnimo.” aya alagu yiri qoraalka Xildhibaanada loo diray.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu kasoo tago magaalada Dhuusomareeb uu ka socdo shirka wadatashiga dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada oon wali heshiis rasmi ah lagu gaarin ayna jiraan qodobo la isku mari la yahay.

Waxaan la ogeyn wali waxa ay salka ku heyso khudbada uu Madaxweyne Farmaajo kahor jeedinayo Baarlamaanka , waxaana dadka qaar hadal hayaan in Madaxweyne Farmaajo doonayo in Xildhibaanada ka codsado mudo kordhin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Fiqi oo si kulul uga hadlay amarkii DF ku soo rogtay dayuuradaha taga Kismaayo

Caydiid Ali

Sidee Gabar reer Marooko ah mustaqbalkeeda ugu hurtay dadka Qasa?

Caydiid Ali

Daacishta Soomaaliya oo ka hadashay Hogaanka cusub ee yeelatay Kooxda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---