Allbanaadir.com
NEWS

Daacishta Soomaaliya oo ka hadashay Hogaanka cusub ee yeelatay Kooxda

Dagaalyahanada kooxda Daacish faracooda Soomaaliya ayaa ka hadlay dilkii loo geestay Hogaamiyaha Daacish Abuubakar Al Bagdaadi iyo Hogaanka Cusub ee kooxda dhawaan dooratay.

Sawir lasoo galiyay barta kooxda Daacish ku leedahay Telegramka ayaa lagu sheegay in Dagaalyahanada Daacish faracooda Soomaaliya ay taageersan yihiin raalina ka yihiin Hogaanka cusub ee kooxdaasi .

Kooxda Daacish garabka Soomaaliya ayaana sheegay in ay sii wadi dooaan dagaalkii ay horey ugu jireen, waxa ayna tilmaameen in aysan saameyn ku yeelan doonin geerida hogaamiyahooda Abuubakar Al Bagdaadi.

Ciidamada Mareykanka ayaa dhawana gudaha Siiriya ku dilay Hogaamiyihii kooxda Daacish Abuubakar Al Bagdaadi iyo Afhayeenka kooxdaasi, waxaana durba Kooxda dooratay Hogaamiye cusub oo bedelaya Abuubakar Al Bagdaadi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo caawa magacaabay Gudoomiyaal Maxkamadeed iyo Xeer Ilaaliyaal

Cabdi Cade

Dhalinyaro Soomaali ah oo dhimasho & dhaawac ku noqday shil ka dhacay Canada

Caydiid Ali

Askari ka tirsan Ciidanka dowlada oo qaaday talaabo ay dad badan u riyaaqeen

Caydiid Ali
Taboola Ads ---