Cunug dhashay oo laga soo saaray Dhismo ku Dumay Dhul-gariirkii Syria iyo Waalidkiis oo…

Dalka Syria waxaa ka dhacay dhul-gariir xoogan oo dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dhismayaal badan oo dumay hoostooda laga soo saaray dad badan oo isugu jira kuwa dhintay iyo kuwa nool.

Dadka dhismayaasha burburay hoostooda laga soo saaray waxaa kamid ah cunug yar oo dhashay waxyar kahor inta uusa dhicin dhul-gariirka, cunigan ayaana burburka dhismaha loogu tagay isaga oo nool, halka labadiisa waalid ay dhinteen.

Baraha bulshada muuqaal lagu baahiyay ayaa la arkayey ilmaha yar ee dhashay oo aan dhar u xirnayn, xilli uu qabow daran jiro, dhacdadan ayaana ka dhacday Degmadda Jenderes oo u dhow Degmada Afrin ee Gobalka Aleppo.

Kooxaha gurmadka degdega ayaana ilmahan yar ula cararay goob caafimaad, waxaana cunugan dhashay iyo waalidkiisa kusoo dumay dhismaha dabaqa saddexaad ay degnaayeen, cunuga ayaana badbaaday halka waalidkiisa ay dhinteen.

Dhul-gariirka ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Syria ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 5-kun oo qof, waxaana jirta baadigoob wali loogu jiro dad loo maleenayo in ay dhinteen oo ku hoos jira dhismayaasha burburay hoostooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -