Weeraro ku soo wajahan goobo ka tirsan Muqdisho & digniino adag oo la soo saaray

Saraakiisha Sirdoonka reer galbeedka ee ku sugan Xerada taliska AMISOM ee Xalane ayaa digniino adag ka soo saaray weeraro ka soo fool leh Al-Shabaab oo ku wajahan goobo muhiim ah.

Digniintan oo lala wadaagay heyadda Nabad sugida Qaranka ee NISA iyo heyadaha kale ee amaanka ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay qorsheysay wixii ka dambeeya 26ka bishan oo shalay ku aadaneyd iney weeraro culus ka fuliso garoonka Aadan cadde iyo labo Hotel oo ku yaalla wadada Maka Al-Mukarama.

Macluumaadka dhinaca sirdoonka ah ee la helay ayaa sheegeya in labo baabuur qaraxyo loo diyaariyay iyo gaadiid kale oo ay la socdaan dabley hubeysan ay magaalada ku jiraan si ay weeraradaas u fuliyaan.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa digniinahan ka dib la galiyey feejignaan, iyadoo la xoojiyey amaanka goobaha muhiimka ah ee dowlada si weeraradaas looga hortago, iyadoo shacabka magaalada uu soo food saaray walaac ku saabsan xaaladaha soo kordhay.

Dhinaca kale, gaari looga shakisan yahay iney saaran yihiin waxyaabaha qarxa ayaa lagu arkay agagaarka Isgoyska Siinaay oo ka tirsan degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.

Gaarigan oo noociisu yahay Mini bus ayaa galabta illaa caawa yiilay halkaas iyadoo la waayey cid sheegata, waxaana halkaas gaaray ciidamada amaanka oo xiray goobtaas, shacabkana u diiday iney dhowaadaan.

Al-Shabaab ayaa ka geystay Jimcihii magaalada Muqdisho weeraro sababay geerida 35 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 55 kale oo isugu jiray Askar iyo shacab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -