Howlgal lagu dilay Shabaab badan laguna soo qabsaday Gaadiid Dagaal oo ka dhacay Beerta Sheekh Qaasim (Sawirro)

Ciidanka milatariga Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa hay’adda Nabad sugida iyo ciidamo shisheeye ayaa weerar qorsheesan ku qaaday Tuulada Dhagaxow oo hoostagta deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkan si gaar ah uga dhacay beerta Sheekh Qaasim oo dowladda sheegtay in Al Shabaab isku abaabulayeen, sidoo kale halkaasi ku hayeen dagaalyahano uga soo dhaawacmay dagaalo horey u dhacay.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in howlgalka lagu dilay 49-xubnood katirsan Al Shabaab tiro kalana lagu dhaawacay, waxaana dadka la dilay ku jira dagaalyahano horey dhaawacyo u qabay oo halkaasi lagu daweenayay.

Ciidanka huwanta ayaa howlgalka intii ay wadeen kusoo qabtay gaadiid dagaal oo horey ciidanka dowladda Al Shabaab uga qabsadeen, waxaana gaadiidkaasi ku jira gaari weyn uu saaran yahay qorayga loo yaqaan Zuuga.

Dowladda Soomaaliya warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ciidanka dowladda hal askari uga dhintay howlgalka ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhaxe sidoo kale kaga dhaawacmeen saddex askari oo kale.

Howlgalkan ayaa imaanaya xilli isbuucan gudihiis Al Shabaab weerar culus ku qaadeen deegaanka Xawaadley halkaas ay ku dileen askar badan ooay ku jiraan saraakiil, sidoo kale kusoo furteen gaadiid dagaal iyo hub kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -