Wax ka ogow Muhiimada Soomaaliya u leeyahay Cunaqabateynta hubka ee laga qaaday

Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobey ayaa xalay ka qaaday Dowladda Soomaaliya cuna-qabateyntii hubka ee saarreyd. Tallaabadan taariikhiga ah ayaa uga dhigan Soomaaliya, in marki ugu horreysay muddo 31 sano ah kaddib ay soo iibsan karto hub.

Golaha Amniga waxuu cunaqabateynta saarey Soomaaliya sanadkii 1992-dii xiligaasoo looga gol-lahaa, sidii loo joojin lahaa qulqulka hubka ee dagaal oogayaashii isku hayey dalka, kuwaas oo ka dhex abuurmay jabhadihii xakunka ka tuuray dowladdii millatariga aheyd ee uu soo hoggaamiyay madaxweynihii hore, Maxamed Siyaad Barre.

Go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu codeeyay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya ayaa waxaa uu muhimad weyn u leeyahay barnaamijyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sugidda amniga, xasilinta iyo xoojinta dowladnimada curdanka ah. Haddaba faa’iidooyinka uu go’aankan la iman karo ayaa waxaa ka mid ah :

1- La-dagaalanka Argagaxisada iyo Sugidda Ammaanka: Soomaaliya waxa ay la daalaa dhacaysay caqabado badan oo dhanka ammaanka ah oo ay ka mid yihiin joogitaanka kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab ee ku xiran shabakadda argagixisada caalamiga ah ee Al Qaacidah. Dowladda Soomaaliya waxa ay u baahan tahay in ay hesho hub iyo qalab casri ah si ay si hufan ula dagaalanto khatarahaas oo ay u sugto ammaanka xudduudaheeda.

2- Difaaca Qaranka: Qaadista cunaqabateynta hubka waxay dowladda Soomaaliya u sahlaysa inay dhisto oo casriyeyso ciidamadeeda qalabka sida, taas oo sare u qaadaysa awoodda ay u leedahay inay difaacdo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

3- Dadaalka nabad ilaalinta iyo xasilinta: Soomaaliya waxa ay diiradda saartay, hormuudna ka ahayd dadaallo badan oo nabad ilaalin iyo xasilineed oo ay wadajir uga shaqeynayeen Midowga Afrika iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah. Helitaanka hubka iyo qalabka ayaa muhiim u ah dowladda Soomaaliya si ay si hufan u gudato waajibaadkeeda sugidda amniga, isla markaana ay Ciidamada ATMIS ugala wareegto amniga guud ee dalka.

4- Dhaqangelinta sharciga iyo xakameynta xuduudaha: Dowladda Soomaaliya waxay u baahan tahay qaabkii ay ku qalabeyn lahayd hay’addeeda sharci fulinta iyo si ay xudduudaheeda uga ilaaliso ka ganacsiga hubka sharci darrada ah, argagixisada, iyo khataraha kale ee caalamiga ah.

5. Dawlad-dhisidda iyo dawladnimada: Xoojinta awoodda dawladda Soomaaliya ee ku aaddan sugidda amniga waxay lagama maarmaan u tahay dadaalka ay ugu jirto hirgelinta maamul xasilloon, bixinta adeegyada bulshada, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -