Allbanaadir.com
NEWS

Janaraal Soomaaliya Caan ka ahaa oo ku dhintay Weerarkii lagu qaaday Hotelka Afrik

Ciidamada dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa wali isku dayaya in ay soo afjaraan weerarka dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab galabta ku galeen hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Weerarka lagu qaaday hotelka Afrik oo kamid ah hoteelada ugu mashquulka badan Muqdisho ayaa lagu dilay saraakiil ,odayaal iyo dad kale oo shacab ah oo ku sugnaa gudaha Hotelka xiliga uu weerarku dhacayay.

Sida aan wararka ku helnay dadka weerarka Hotel Afrik lagu dilay waxaa kamid ah Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo kamid ah saraakiisha milatariga Soomaaliya kuwooda ugu caansan jagooyin kala duwana kasoo qabtay milatariga Soomaaliya.

Saraakiil katirsan ciidanka dowlada oo Caawa gudaha u galay hotelka Afrik ayaa xaqiijiyay geerida Jeneraal Galaal , waxaa sidoo kale weerarka lagu dilay Nabadoon Cabdulaahi Nuure Siyaad iyo dad kale oo ku sugnaa Hotelka.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali shaacin khasaaraga ka dhashay weerarka Al Shabaab ku qaadeen Hotelka Afrik oo kuyaalay goob amaankeeda si weyn loo sugo kana soo horjeeda koontaroolka laga ilaaliyo garoonka Aadan Cadde.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Axmed Ciise Cawad oo olole cusub ka bilaabay Magaalada Addis ababa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo si adag uga hadlay Ciidanka dowlada u daabushay Gobolka Gedo

Cabdi Cade

Maxkamadda Sare ee dalka Kenya oo diiday codsi lagu doonayay in lagu joojiyo dibad baxyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---