Yamamoto oon ka qeyb galeyn Kulanka Farmaajo iyo Beesha Caalamka iyo Sababta Keentay

Wararka aan ka heleyno xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku waramaya in Wakiilo katirsan Beesha Caalamka  ku sugan yihiin Villa Soomaaliya ayna kulan la qaadanayaan Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa kawada hadlaya muranka ka jira doorashada Soomaaliya iyo sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka hareeyay doorashada .

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlayaa sidii Madaxweyne Farmaajo u aqbali lahaa shirka ay ku baaqeen Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland ay isugu imaanayaan  Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya Danjire Yamamoto oo kamid ah Wakiilada beesha caalamka ee saameynta ku leh Soomaaliya ayaan qeyb ka aheyn kulanka ka dhaca Xarunta Villa Soomaaliya.

Danjire Yamamoto oo degan Xarunta Xalane ayaan loo ogoleyn in uu ka baxo Xaruntaasi sababo amaan darteed, waxaana Danjiraha iyo masuuliyiinta kale ee Mareykanka ee dalka yimaada madaxda Soomaalida kula kulmaan xarunta Xalane.

Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa Madaxweyne Farmaajo ku cadaadinaya sidii uu dabacsanaan u muujin lahaa una aqbali lahaa shirka la isugu imaanayo iyo xalinta tabashooyinka laga qabo doorashada iyo Guddiga lagu muran sanyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -