Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Congresska Maraykanka oo xil cusub u Magacaabay Xildhibaanad Ilhan Cumar

Ilhaan Cumar oo ka tirsan xubnaha aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa loo magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka guddi hoosaadka arrimaha Afrika iyo xuquuqul insaanka caalamka.

Xafiiska Xildhibaan Ilhan Cumar ayaa qoraal uu soo saaray lagu sheegay in xilkan cusub maalintii Khamiista ahayd looga dhawaaqay Washington.

Ilhan waxay sheegtay inay si gaar ah u danaynayso inay kormeerto arrimaha gargaarka caalamiga ah iyo siyaasadda dibadda ee Afrika.

Ilhan ayaa horay uga mid ahayd guddiga arrimaha dibedda ee aqalka Kongareska.

Dadka dhaleeceeya ayaa horay ugu baaqay in laga saarayo kadib hadalo si weyn loo dhaliilayoo oo ay jeedisay sanadkii 2019-kii kaaoo ku saabsanaa saameynta siyaasadeed ee Isra’iil ku leedahay Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jen. Odowaa oo War ka soo saaray qaraxii Muqdisho & Kenya oo mar kale bilowday..

Caydiid Ali

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo guulo ka gaaray doorashada Gobolka Minnesota (Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha Wasiiradda oo Ansixiyay dhismaha xarunta dhaxe ee Sanduuqa Caalamiga ee WFDP (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---