DF oo sheegtay iney kalsoonidii kala noqotay ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM

Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay inay lumisay kalsoonidii ay ku qabtay Ciidanka Kenya ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka ah ciidamo Midowga Afrika ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia ayaa tilmaantay inaysan aqbali doonin la sii shaqeynta Ciidanka Kenya oo ay ku eedeeysay inay si cad uga soo horjeedaan nabadda Soomaaliya ayna hareermareen ujeedada dalka loo keenay ciidamada AMISOM.

Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii wadayso dadaallada looga soo horjeedo Ciidanka Kenya oo ay sheegtay inay si gaar ah u taageeraan maamul goboleedka Jubbaland.

“Urur Goboleedka IGAD waxaan ka dalbanaynaa inuu baabi’yo guddiga xaqiiqo raadinta ee hore loogu xilsaaray inay baaritaan ku sameeyaan faragalin la sheegay in Kenya ay ku hayso Soomaaliya, maadaama ay soo saareen warbixin xaqiiqada ka fog” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia.

“Guddiga wuxuu warbixintiisa ku qirtay in lagu qaaday diyaaradaha helicopter-ka ee ciidamada Kenya, xilli guddiggu ku guda jiray shaqo xaqiiqo raadin ah oo la xiriirtay ciidamada ay Kenya soo dhoobtay xuduudda. Taas waa qirasho qeexeysa eexda guddiga, isla markaana dhaawaceysa isku haleynta iyo dhex-dhexaadnimada dowladda Jabuuti iyo IGAD,” ayaa lagu yiri qoraalka.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA DF OO ENGLISH KU QORAN:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -