Qaar ka mid ah jidadka Muqdisho oo saaka la xiray iyo sababta ka dambeysa

Banaanbax lagu taageerayo go’aanka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo ku ansixiyay in gobolka Banaadir uu 13 kursi ku yeesho mataalada Aqalka Sare ayaa ka socda magaalada Muqdisho

Inta badan waddooyinka Muqdisho ayaa loo xiray banaanbaxa, si dadweynaha loogu sahlo inay isugu soo baxaan goobo loo cayimay oo ah inay isugu yimaadaan, iyadoo amnigooda la sugayo.

Banaanbaxan oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tan iyo xalay la qabanqaabinayay, iyadoo taalada Daljirka Dahsoon ay iskugu tageen dadka banaanbaxaya

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir, xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya  ayaa la filayaa inay goobta ka jeeddiyaan khudbado ku aaddan dedaalladii loo galay matalaadda Aqalka sare ee Bulshada Gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -