Ra’isul Wasaare Abiy oo maalmo badan kadib fagaare kasoo muuqday (Daawo Sawirada)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Itoobiya Abiy Axmed ayaa maalmo badan kadib kasoo muuqday goob fagaare ah, xili shaki la galinayay xaaladiisa caafimaad oo hadal heyn badan ka abuuray baraha bulshada.

Shacabka Itoobiya oo maalmo badan aan arag Ra’isul Wasaaraha ayaa bilaabay in ay isweediiyaan xaaladiisa, waxaana soo baxayay in xaalad caafimaad dalka dibadiisa loogu qaaday halka dadka qaarna ayba shaki galiyeen in uu nool yahay.

Ra’isul Wasaare Abiy ayaan maalmo hadal heyn badan kadib kasoo muuqday goob fagaare ah , waxa uuna booqasho ku tagay xarunta qalabka dadka naafada ah ee cisbitaalka St. Paul ee magaalada Addis Ababa.

Abiy Axmed ayaa booqashada uu ku tagay xaruntan ugu kuur galayay sida ay u shaqeyso, waxa uuna sheegay  in xaruntaas ay hawl wanaagsan u hayso ciidamada ka dhaawacma Itoobiya iyo shacabka waddankaasi.

Baraha bulshada markii ay ku bateen hadal heynta xaalada caafimaad ee Abiy ayaa Hay’adda Sirdoonka Itobiya uga digtay dadka faafinaya wararka shakiga galinaya xaaladiisa iyo kuwa share gareenaya, waxa ayna ku hanjabtay in sharciga la horgeyn doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -