Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Weerar khasaare geystay oo ka dhacay degmada Diinsoor

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya Qarax ka dhacay goob maqaahi ah oo ku taalla degmada diinsoor ee Gobolka Baay, kaasoo khasaaro kala duwan geystay

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa la dhigay Geed ku yaalla Maqaahida oo xilliga qaraxa uu dhacayay ay ku sugnaayeen Ciidamo iyo dad Shacab ah.

Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, kuwaasoo ay ku jireen Haweeneyda Maqaahida leh, laba askari, Guddoomiye laameed hore iyo ilmo yar sida wararku sheegayaan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Saldhiga Booliska degmada Diinsoor ayaa tegay halka qaraxa uu ka dhacay, iyagoo sameeyay howlgal ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay qaraxa, kaasoo aan la ogeyn natiijada ka soo baxday.

Dadka degmada Diinsoor ayaa gurmad u sameeyay dadka ku waxyeeloobay qaraxa, waxaana la geeyay Isbitaalka degmada diinsoor oo haatan lagu daweynayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/vHyHdrCCIp4

Related posts

Wafdi sare oo ka socday Qadar oo Muqdisho yimid iyo Kheyre oo la kulmay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowladda oo Shaacisay in ay la dilay Saraakiil katirsan Al Shabaab iyo xubno la socday

Cabdi Cade

Somtel oo taabagelisay xuska Maalinta Olombikada Aduunka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---