Somtel oo taabagelisay xuska Maalinta Olombikada Aduunka (Sawirro)

Munaasabadan Lagu weyneenayo Maalinta Olympic-da aduunka  ayaa Lau qabtay Xeebta  liido & Garoonka Wiish stadium ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadaan ayaa waxaa lagu soo bandhigay Tartamo ciyaaro Xiiso Leh oo ay ka mid yihiin  Kubada Gacanta, Baaskiilada, Orodada, Ciyaaraha Hidaha & dhaqanka

Ugu horeyntii Waxaa munaasabada Daah -furay  Ku Xigeenka Madaxa Suuq-geynta & iibka Somtel Mudane: C/Salan Axmed Guuleed oo ku dheeraaday ahmiyada ay Somtel Siineyso dhiiragelinta Isboortiga dalka “ ‘Waxaan aad Ugu faraxsanahay inaan Taabagelino Munaasabadaan Qiimaha Leh Maalinta olympcda aduunka Waxaan dhiiragelineeynaa hormarinta isboortiga dalka Waxaan Si gaar ah uguy hambalyeeynayaa kooxda guuleysatay galabta Waxan halkaan ka cadeeynayaa inan had & jeer garab-taaganahay Gudiga Olmpic-da Soomaaliyeed iyadoo sanadkii  tgay 2021 aan taabagelinay  Tatmada Kubada Cagta & Midka  Kubada Gacanta ee Degmooyuinka & Deegaanada Gobalka banaadir”

Waxaa Sidoo kale Munaasabada ka hadlay  Maxamed Xasan Xuurshe oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Gudiga Olympcda Soomaaliyeed.

“Waxaan ku amaanayaa Somtel & Dahabshil Group Sida ay Mar waliba u garab-taaganyihiin hormarka isboortiga dalka  Waxaa Xusid mudan In Maareeyaha guud ee Dahabshil Group  Mudane  C/rashiid Ducaale uu Xulka Qaranka Soomaaliyeed ugu Tagay dalka China sanadkii 2008 si uu u dhiirageliyo Xulka qaranka Soomaaliyeed Sanadkii  tagay 2021 Waxa ay Naga Saacideen Tartamadii ugu xiisaha badnaa ee Degmooyinka Sidoo kale Maalinta Olympic Soomaaliyeed oo ay ka qeyb-galeen ilaa afar Xiriir oo kala  gedisan Iyado Somtel ay Mudantahay in lagu abaal-mariyo kaalinta muuqato ay had & jeer ka qaadato hormarka isbooortiga dalka”

Ugu dambeyntii Waxaa Munaasabada Soo Xiray La taliyaha Wasaarada Dhalinyarada & isboortiga  XFS

Mudane Ibrahim Xuseen  Rooble oo bogaadiyay Shirkadda Somtel & kaalinta la taaban karo ay ka qaadatay Maalinta Olympic-da aduunka  Iyadoo taabagelisay sanadkaan 2022 Gudiga Olympic-da Soomaaliyeed si fiican ayey u soo abaabuleen diyaargawoga  aad ayuu 8 wanaagsan labada koox ee ku tartamay si gar ah ayan ugu hambalyeeynayaa Mida Koobka qaaday & Mida  kaalinta labaad gasahay waxaan rajeeyneeynaa in isboortiga soomaaliyeed uu hormar balaran ku talaabsado inagu Ka Wasaarad ahaan waan  idiin kala qeyb-qaadaneeynaa Wixii Talo & Tusaale & garab-istaag  aad inooga baahantihiin”

Si Kastaba ha ahaatee Shirkadda isgaarsiinta Somtel ayaa horay looga bartay dhiiragelinta isboortiga dalka Iyadoo sanadkii tagay 2021 ay shirkadda  Somtel ay Taabagelisay Tartanka Kubada Cagta  Degmooyinka & Deeganada Gobalka banaadir & Tartanka Kubada Gacanta Degmooyinka & Deegaanada Gobalka Baaadir.

 

- Advertisement -