Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gaadiid ay wateen ciidamada DF oo lagu weeraray duleedka degmada Balcad

Weerar jidgal ah ayaa lagu qaaday Gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, xilli ay marayeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Gaadiidkan ayuu weerarku qabsaday xili ay marayeen halka loo yaqaano ilbiq oo ku dhow tuulada Qalimow waxaana la sheegay in weerarkaas ay fuliyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab

Dagaal sababay khasaaro kala duwan oo hub kala duwan la isku adeegsaday ayaa ka dhacay halkaas, sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya.

Goob joogayaal ku sugan Balcad ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Ciidamada dowladda & Al-Shabaab ee dagaalka uu ku dhexmaray duleedka degmadaas.

War ay soo saartay Al-Shabaab ayey ku sheegatay inay weerarkas ku dileen 5 askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowlada, sidoo kalena gubeen mid kamid ah gaadiidka dagaalka.

Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijinaya warka Al-shabaab iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, saraakiisha ciidamada dowladana kama aysan hadlin weli.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/vHyHdrCCIp4

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo gudoomiyay Shir Xog lagu soo bandhigayay (Sawirro)

Cabdi Cade

Mooshin culus oo caawa loo gudbiyey Gudoonka Golaha Shacabka

Caydiid Ali

Nin Jaceylkiisa ceejo ku dilay oo xabsiga la dhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---