Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, mid kalena waa uu ku dhaawacmay qarax goor dhow ka dhacay meel u dhow Jaamacada ummada oo ku taalla wadada Muqdsho uga baxda dhinaca koonfureed.

Qaraxan oo la sheegay inuu miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa lala beegsaday gaari qooqan ah oo wadada mareysay.

Labada qof ee dhimashada iyo dhaawaca ku noqday qaraxa ayey wararku sheegayaan iney ahaayeen dad shacab ah oo wadada marayey.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga qaraxa lala beegsaday ay la socdeen qaar ka mid ah shaqaalaha Soomaalida ah ee wax ka dhisaya laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye, kuwasoo qaraxa ka badbaaday sida wararku nagusoo gaarayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -