Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Belad Xaawo iyo Saraakiil ciidan oo kusii jeeda

Xaalada Degmada Belad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa saakay degan kadib dagaal culus oo shalay subax degmadaasi ku dhax maray ciidamada maamulka Jubbaland iyo ciidamada milatariga Dowlada Federaalka.

Sida aan wararka ku helnay degmada Balad Xaawo waxaa hada gacanta ku haya ciidamada Federaalka Soomaaliya, waxaana ciidamadii Jubbaland ee shalay qabsaday dib uga baxeen degmadaasi iyagoo jooga duleedka Belad Xaawo.

Shacabka Degmada Belad Xaawo ayaa inta badan isaga barakacay guryahooda, waxa ayna shacabka u qaxeen degmooyin iyo deegaano kale oo ku dhaw dhaw Baled Xaawo si ay uga nabad galaan colaada degmadaasi ka aloosan.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in mar kale degmada Belad Xaawo ka dhacaan dagaal kale oo u dhaxeeya ciidamada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland, labada dhinac ayaana wada abaabul dagaal.

Dagaalkii shalay ka dhacay degmada Belad Xaawo ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah oo haleeshay rasaasta la is dhaafsanayay iyo madaafiicda degmadaasi lagu garaacayay.

Dhinaca kale degmada Belad Xaawo ayaa lagu wadaa in ay tagaan saraakiil katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya oo qiimeyn ku sameenaya dagaalkii ka dhacay degmadaasi iyo sidoo kale ciidamo la sheegay in dagaalka looga qabtay maamulka Jubbaland.

Dagaalka ka dhacay degmada Belad Xaawo ayaan wali laga heyn warbixin rasmi ah marka laga reebo in labada dhinac dagaalka guulo ka sheegteen, mana jiro ilo kale oo madax banaan oo xaqiijin kara sheegashooyinka labada dhinac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -