Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Kenya oo si adag uga Jawaabtay Eedeyn uga timid Dowlada Soomaaliya

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeesay Dowlada Kenya in ciidankeeda qeyb ka ahaayeen weerarkii Ciidamada maamulka Jubbaland habeen hore kusoo qaadeen degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaana sheegay in jabhad ay soo abaabushay dowlada Kenya ayna taageerayeen ciidankeeda duulaan kusoo qaadeen degmada Balad Xaawo si ay u qabsadaan.

Dowlada Kenya ayaana si adag u beenisay eedeynta uga timid dowlada Federaalka Soomaaliya, waxa ayna Kenya sheegtay in dagaalkaasi wax lug ah aysan ku laheyn una dhaxeeyay ciidamo Soomaali ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fried Matiangi, ayaa sheegay in dagaalka Baled Xaawo uu yahay mid ka dhacay gudaha Soomaaliya una dhaxeeyay ciidamo Soomaali ah, waxa uuna beeniyay in ciidankoooda xadka ka talaabeen qeybna ka ahaayeen dagaalka.

“Wax lug ah kuma lihiin dagaalka, mana jirin cid ka tirsaneyd ciidamadeena oo u tallaawday dhinaca Soomaaliya, marka ma garan karno waxa ay ugala jeedaan arrintaas, wax lug ah kuma lihiin dagaalka, waa dagaal Soomaaliya dhexdeeda ah ” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Kenya.

Dowlada Soomaaliya ayaana marar badan ku eedeesay dowlada Kenya in ay faragalin ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya ayna soo hubeeneyso ciidamada Jubbaland uu hogaamiyo Wasiirka Amniga maamulkaasi Cabdirashiid Janan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iran: “Jawaabtu sidan wey ka adkaan doontaa, haddii ay Israel sameyso qalad kale”

Caydiid Ali

Jaamacadda Jazeera oo xiriir iskaashi la saxiixatay Jaamacad ku taal Masar (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

RW Rooble oo shaqada ka eryey xubno ka tirsanaa FEIT, soona saaray awaamir cusub

admin
Taboola Ads ---