Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Yurub oo ku qanacsan dadaalada dib u habeynta shaqaalaha Soomaaliya

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliye, Mudane Sadiiq Xirsi Wafaa ayaa ku sugan magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub,iyadoo halkaa uu kula kulmayo mas’uuliyiin ka tirsan ururka Midowga Yurub.

Wasiir Sadiiq, ayaa ugu horreynba la kulmay madaxa Midowga Yurub ee Bariga-Afrika, Hans Stausbol. Kullanka waxaa si qoto dheer looga hadlay Shaqada, Xuquuqda Shaqaalaha, Daryeelka Bulshada iyo Dib-u-habeeynta Shaqaalaha Rayidka.

“Inta uu kullanka socday waxaan si aad ah u caddeeyay ajandahayaga ,waxaana codsaday in Midowga Yurub door taageerro ku yeesho dadaallada aan ku dooneyno dib u habeynta shaqaalaha iyo shaqo abuurka.” ayuu yiri wasiir Warfaa oo Midowga Yurub ku ammaanay taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxa Midowga Yurub ee Bariga-Afrika, Hans Stausbol – wuxuu muujiyay inta uu kullanka socday sida ururka ugu qanacsanyahay dadaallada socda ee dib u habeynta shaqaalaha iyo Daryeelka Bulshada, wuxuu markaa caddeeyay Midowga Yurub inuu garab taaganyahay qorshaha lagu dhimayo shaqo la’aanta, fursadaha shaqadana ay ku helayaan ‘kuwa ugu muhiimsan’.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa dadaal ku bixinaya xal u helida shaqo la’aanta iyo daryeelka bulshada,waxaana muddada uu ku suganyahay Brussels uu la kulmi doonaa mas’uuliyiinta Belgium, Midowga Yurub iyo hay’adaha caalamiga ah oo arrimahaa uu kula hadlayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Miyaa Dalalka Saboolka ah Laga Qadin Doonaa Tallaalka Caabuqa Safmareenka ah Covid 19 ?

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Sida Baladweyne loogu soo dhaweeyay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh

Cabdi Cade

Maxkamada ciidamada oo Dambi ku weysay nin horey Xukuno dil ah loogu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---