Dowlada oo Shaacisay in ku dhawaan 100-askari lagu qabtay dagaalkii Balad Xaawo

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo goordhaw Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in ciidanka dowlada guul weyn ka gaareen dagaalkii ka dhacay magaalada Balad Xaawo.

Waxa uu sheegay Wasiirka in dagaalka ku jabiyeen jabhad uu sheegay in ay soo abaabushay dowlada Kenya kuwaa uu tilmaamay in xalay iyaga oo garab ka helaya ciidamada Kenya kasoo gudbeen xadka weerarna kusoo qaadeen Balad Xaawo.

Wasiirak Warfaafinta ayaa sheegay in ciidankii weerarka kusoo qaaday degmada Balad Xaawo laga qabtay ku dhawaad 100-askari ayna hada ku jiraan gacanta ciidamada milatariga Soomaaliya.

“Ciidanka Kenya iyo jabhadii ay quudineysay ayaa xalay saq dhexe soo weeraray Balad xaawo iyagoo ka soo gudbay xuduuda si ay u qabsadaan magaalada muhiimka ah ee Baladxaawo taasi oo dhaawaceysa Qaranimada iyo Madax banaaninda, Jabhadii iyo ciidankii shiSheeye in laga adkaaday ayaan shacabka ugu bishaareynayaa, In ku dhow 100 maxbuus ayaa dagaalka lagu qabtay, waana la jebiyay”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Dagaalka xalay ka qarxay degmada Balad Xaawo ee u dhaxeeyay ciidamada dowlada federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa dhaliyay khasaaro aad u xoogan, waxaana dagaalka labada dhinacbo ka sheegteen guulo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -