Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo oo ka baaqday safar uu ku tegi lahaa Antalya iyo Xog laga helay Sababta

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia Madaxweynaha Somalia Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa ka baaqday shirka Antalya Diblomacy Forum oo berri ka furmaya magaalada Antalya ee dalka Turkiga.

Farmaajo oo ka mid ah madax ka tirsan caalamka oo lagu martiqaaday shirkaas ayaa la filayay inuu la kulmo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo isna shirka lagu casuumay.

Baaqashada Madaxweyne Farmaajo ee shirkaas oo aan faahfaahin laga bixin ayaa loo malaynayaa iney sabab u yihiin arrimo ay ka mid yihiin xaalada siyaasadeed ee dalka, arrimaha doorashooyinka iyo fadeexada ka taagan Ciidamada tababarka loogu diray Eritrea  oo dowladu la’adahay meel ay uga baxsato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/3l7QHomlzcA

Related posts

Nin la tuhmayo in uu Sirdoon u ahaa Al Shabaab oo xabsi la dhigay

Cabdi Cade

Xubin kasoo goostay dagaalyahanada Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Weerar gaari loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Munich

Cabdi Cade
Taboola Ads ---