Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo War kasoo saartay dagaalka ka qarxay Baladxaawo kuna eedeesay Kenya

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Jabhad lagu aas aasay gudaha dalka Kenya weerar kusoo qaadeen degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

Wasiir Cusmaan Dubbe ayaa sheegay in ciidamada xooga Soomaaliyeed si geesinimo leh isaga difaaceen duulaanka uu sheegay inĀ  Balad Xaawo kusoo qaadeen ciidamo Jabhad ay soo hubeesay dowlada Kenya.

Warkan kasoo baxay Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili ciidamada maamulka Jubbaland uu hogaaminayo Wasiirka Amniga maamulkaasi Cabdirashiid Janan weerar culus kusoo qaaday degmada Balad Xaawo ay gacanta ku heysay DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Coronvirus oo caga dhigtay dhulka Falastiin & kiisaskii ugu horeeyey oo laga helay

Caydiid Ali

Shirkii Maalgeshiga Puntland oo la soo xiray & War-Murtiyeed ka soo baxay (Akhriso)

Caydiid Ali

Taliye horey u soo Maamulay xabsiga Jeel Ogaaden oo loo Magacaabay xil culus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---