Jubbaland oo Guul weyn ka sheegatay dagaalka Balad Xaawo kana jawaabtay hadalkii Dowlada

Maamulka Jubbaland ayaa guul ka sheegtay dagaalka xoogan ee ka qarxay degmada Balad Xaawo ee u dhaxeeya ciidamo maamulkooda taabacsan iyo ciidamo ka amar qaata dowlada Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa guulo ka sheegtay dagaalka ka qarxay Balad Xaawo, waxa uuna sheegay in dagaalka iyaga lagu soo qaaday ayna iska difaaceen guulna ka gaareen.

Waxa uu sheegay Madaxweyne kuxigeenka in ciidankooda iska caabin kadib usuurto gashay in gudaha u galaan degmada Balad Xaawo ayna hada ciidankooda joogaan saldhiga, Xarunta degmada Balad Xaawo iyo qeybo badan oo kamid ah degmadaasi.

“Saraakiisha hadda i soo wacday waxay ii sheegeen sida janaraal Cabaas oo kale inuu isaga isteeshinka joogo, iyo xarunta degmada, laakiin hadde magaaladu waa magaalo weyn oo daafaheedu ay weli xabbadaha ka dhacayaan,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo ka jawaabay hadal kasoo baxay dowlada Federaalka oo ahaa in Jabhad Kenya soo aas aastay soo weerareen ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warkaasi , waxa uuna xusay in ciidanooda yihiin ciidan Qaran.

“Waa wax la yaab leh, ciidankaas waa mid 11 sano Gedo difaaceeda ku jiray, dowladihii ku meel gaarka ahaa xilligii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf laga soo bilaabo, dowladdii Sheekh Shariif oo aniga oo xildhibaan ah aan wax ka dhisay, xeryo ciidamo ka soo baxay dowlado caalami ah naga kaalmeeyeen, ciidan qaran ah, marka hadde jabhadda ma kuwo indhaha loo soo duubay oo Shabaabka la aruuriyay oo nabad sugidda Xamar laga soo raray baa mise waa ciidankii dalka xoreeyay ee Soomaaliya u dhimanayay? Taas iyaga ayaa la weydiinayaa, Ilaahay ayayna ka furteen kuwa saa u hadlaya.”ayuu yiri Maxamuud Sayid.

Dagaalka saakay aroor hore ka qarxay degmada Balad Xaawo ayaa abaabulkiisa mudo dheer ka socday xadka Balad Xaawo iyo Mandheera, waxaana dagaalkan kusoo aadayaa xili uu Khilaaf xoogan u dhaxeeyo Dowlada Federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -