Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka ka qarxay Balad Xaawo iyo Ciidamada Jubbaland oo…

Waxaa xalay dagaal xoogan uu ka qarxay degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, kadib markii degmadaasi weerar xoogan kusoo qaadeen ciidamada maamulka Jubbaland uu hogaaminayo Wasiirka Amniga maamulkaasi Cabdirashiid Janan.

Dagaalka oo markii hore ka qarxay duleedka Balad Xaawo gaar ahaan dhinaca xadka Mandheera  ayaa markii dambe ku fiday gudaha Balad Xaawo, waxaana la sheegay in ciidamada Jubbaland qabsadeen qeybo kamid ah degmadaasi.

Dadka kunool Balad Xaawo ayaa ku waramaya in dagaal xoogan uu wali socdo ayna labada dhinac isku adeegsanayaan hubka nuucaydiisa kala duwan, waxaana wali adag in xog dhab ah dagaalka laga helo.

Saraakiil katirsan ciidamada Jubbalaland ayaa guulo ka shegtay dagaalka socda, waxa ayna saraakiishaasi sheegeen in gabi ahaan la wareegeen degmada Balad Xaawo uuna hada dagaalka kasocdo duleedka degmadaasi.

Waxaa jira khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dagaalka socda kasoo gaaray ciidamada dagaalamaya iyo waliba dadka shacabka ah, xaalada ayaana ah mid aad u kacsan oo dadku ku adagtahay in gurayaha banaanka uga soo baxaan.

Waxii warar ah ee kusoo kordha dagaalka kala soco Wararkayaga dambe Insha Alllah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -