Coronvirus oo caga dhigtay dhulka Falastiin & kiisaskii ugu horeeyey oo laga helay

Maamulka Falastiin ayaa xaqiijiyay labadii qof ee ugu horreeyay ee uu ku dhacay cudurka Corona gudaha Falastiin.

Labadan qof ayaa kasoo laabtay Pakistan, waxay soo mareen xadka Masar iyo Qaza u dhexeeya, Waxaana labadani qof haatan lagu karantiilay magaalada Rafax oo ku taalla xadka Masar.

Saraakiisha waxay sheegeen in la karantiilayo qof kasta oo la kulmay dadkaas.

Ra’iisul wasaaraha Falastiin, Maxamed Shtayyeh oo shaley ka hadlayay Daanta Galbeed ayaa ku amray shacabka inay guryahooda joogaan muddo labo toddobaad ah marka laga reebo shaqaalaha caafimaadka iyo dadka kale ee soo dukaameysanaya.

Dhinaca kale, Xarunta xakameynta cudurrada ee dalka Nigeria ayaa shaaca ka qaaday qofkii ugu horreeyay ee cudurka Corona ugu dhintay gudaha dalkaas.

Qoraal ay Twitter-ka soo dhigtay ayaa lagu sheegay in qofka dhintay uu ahaa nin 67 jir ah oo kusoo laabtay dalka xilli uu xaalad caafimaad u joogay dalka UK.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -