Shirka ka hortagga lacagaha la dhaqo oo maanta Muqdisho ka furmey (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee warbixinta qiimeynta khataraha lacag dhaqidda (Money Loundery) iyo Maalgelinta argagixisada.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa uga mahad celiyay  Xarunta Warbixinnada Maaliyadda (Financial Reporting Centre) ee  FRC howshan adag ee ay wadday  labadii sano ee la soo dhaafay ee soo ururinta iyo diyaarinta warbixinta qiimeynta Khataraha Qaran iyadoo diyaarinta  Warbixinta u kaashaneysa  Khubaro Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka ayaa sheegay In warbixintani qayb ka tahay nidaamka Deyn Cafinta dalka ee inagala dhaxeeya Hay’adaha Lacagta Adduunka Iyo Baanka Adduunka.

Mudane Mahdi Guuleed ayaa sidoo kale sheegay inay waajib tahay in aan dhammaanteen ka wada shaqeyno sidii natiijo wax Ku ool ah looga gaari lahaa howshan muhiimka ah.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka ayaa si gaar ah ula dardaarmay xubnaha Guddiga Qaran ee ka hortaga Lacag dhaqida iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (National Anti-Money Laundry Committee) iyo Hay’adaha kale ee ku shaqada leh in ay xil iska saaraan dhamseystirka warbixinta qiimeynta khataraha Qaran ee lacag dhaqista iyo maalgalinta argagixisada. Hoos ka Daawo

Mudane Mahdi ayaa gabagabada u mahadceliyay Guddiga Qaran ee NAMLC iyo Xarunta Warbixinadda Maaliyadda (Financial Reporting Center) oo soo abaabushay shir weynaha qiimeynta khataraha Lacag dhaqida & Maal-gelinta Argagixisada (National Risk Assesment) iyo dhammaan hay’adihii kale oo ka soo shaqeeyey Warbixinta lagu qiimeynayo khataraha lacag dhaqidda iyo maal-gelinta argagixisada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -