Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faah Faahino kasoo baxaya Odayaal qaraabo ahaa oo maanta lagu dilay Muqdisho

Waxaa maanta siyaabo kala duwan gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho loogu dilay labo  Oday dhaqameed oo la sheegay in ay ahaayeen qaraabo , waxaana dilka odayaashan fuliyay dhalinyaro biskoolado ku hubeesan.

Dilalka Odayaashan ayaana ka dhacay labo meel oo ka kala tirsan Suuqa Bakaaraha, waxaana mid kamid ah odayaasha la dilay uu ahaa ganacsade iibin jiray caagadaha kaa oo caan ka ahaa Suuqa Bakaaraha .

Odayaashan la dilay oo magacyadooda lagu kala sheegay Axmed Muxumud Aadan  & Axmed Sheekh Cabdullaahi Fiqi Cumar, ayaa la sheegay in ay ehel ahaayeen, waxa ayna kasoo jeedaan degaanka Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Wali lama oga sababta odayaashan loogu dilay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada dilka odayaashan loo geestay iyo sababta keentay dilkooda.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta kaliya lagu dilay dad gaaraya ilaa 7-qof, waxaana sadex kamid ah lagu dilay biskoolado halka afar askari oo kalana lagu dilay qarax miino oo ka dhacay degmada Shibis.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aadan Isxaaq Iidow oo isku soo dhiibay Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka

Caydiid Ali

Rooble oo si adag uga hadlay weerarkii lagu qaaday Dhabancad Digniina u diray labo taliye

Cabdi Cade

C/raxmaan Baadiyow oo ka hadlay Khilaafka Guddiga Dib u heshiisiinta Galmudug

Cabdi Cade
Taboola Ads ---