Allbanaadir.com
NEWS

Aadan Isxaaq Iidow oo isku soo dhiibay Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka

Aadan Isxaaq Iidow  oo Magaciisa afgarashada al shabaab loo yaqaano (Ayuub dheere )  ayaa Isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Qeybta 60-aad.

Ayuub dheere ayaa muddo 7-sano ah al shabaab u qaabbilsanaa Jabhadda, isagoo ka qeyb qaatay dagaallo ka dhacay gobollada, Shabeellaha hoose iyo Bakool.

Aadan ayaa ka hadlay sababta ku kalliftay in al shabaab uu isaga soo baxo, wuxuuna sheegey in ay ka been sheegaan Diinta Islaamka cadaalad darro iyo dhibaatada ay Shacabka Soomaaliyeed ku hayaan sida uu yiri

Ayuub Dheere ayaa ugu dambayn baaq udiray dhallinyarada ku jirta al shababa ee horey loo qalday, isagoo ugu baaqay in ay isaga soo baxaan oo ay dowladda isku soo dhiibaan.

Saraakiil iyo dagaalyahano ka Tirsan  Alshabaab ayaa todobaadyadii u dambeeyey isku soo dhiibay ciidamada dowlada ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolada dalka.

Related posts

Farmaajo oo ka qeyb galay furitaanka Shirka Madasha Ruushka & Afrika (Sawirro)

Caydiid Ali

C/raxmaan C/shakuur: “Iyadoo aan meel la saarin dhacdadii 19 bishan lagama hadli karo..”

admin

Turkiga oo hawadiisa u diiday dayuurad siday Madaxweynaha Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---