C/raxmaan Baadiyow oo ka hadlay Khilaafka Guddiga Dib u heshiisiinta Galmudug

Waxaa soo shaac baxay in khilaaf xoogan uu ka dhax jiro xubnaha guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug , xili furitaanka shirkaasi dib u dhac ku yimid.

Xoghaya Guddigaasi ayaa horey u shaaciyay in uu jiro khilaaf xoogan oo soo kala dhax galay xubnaha guddiga, waxa uuna Xoghaya guddigan tilmaamay in labo garab u kala jabeen guddiga qaban qaabada shirka Dib u heshiisiinta.

Gudoomiyaha Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug Dr Cabdiraxmaan Baadiyoow ayaa beeniyay in uu khilaaf ka dhax jiro guddiga una kala jabeen labo garab oo iska soo horjeeda.

Waxa uu sheegay in uusan waxba ka jirin warka ay sheegene dad uu ku tilmaamay war xumo tashiil, waxa uuna tilmaamay in qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta uu hada meel wanaagsan u marayo.

“Qabanqaabada shirkaas waxey mareysaa gaba gabo. War-xuma tashiilka iyo dicaayadaha been abuurka ah waa in laga waantoobo oo danaha dadka Reer Galmudug loo tura oo aan lagu milqin khilaafaadka siyaasadeed,, ayuu yiri Guddoomiye Baadiyoow.

Khilaafka la sheegay in uu ka dhax jiro xubnaha guddiga dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug ayaa imaanaya xili marar badan uu dib u dhac ku yimid furitaanka shirka dib u heshiisiinta oo gogoshiisu taalo magaalada Dhuusomareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -