Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo beenisay War ka soo baxay taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika

Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay duqeyntii lagu dilay nin lagu sheegay inuu yahay suldaanka Beesha H/Gidir ee gobolada Jubbooyinka oo maalmo ka hor ay fuliyeen dayuuradaha Maraykanka.

Dayuurad Drone ah ayaa duleedka degmada Jamaame ee gobolka Jubada dhexe ku dilay Suldaan Maxamed Cabaas Axmed Diirshe oo Alshabaab ku sheegeen inuu ahaa Suldaanka Beesha Habar Gidir ee Jubbooyinka.

Afhayeenka Al-Shabaab ee dhinac howlgalada C/casiis Abuu Muscab ayaa beeniyey warkii kasoo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM oo lagu sheegay in ninka duqeynta lagu dilay uu ka tirsanaa Saraakiisha Al-Shabaab.

“Waa been aan sal iyo raad laheyn warka kasoo yeeray dowladda Mareykanka ee ku saabsan in Suldaankii Beesha Habar Gidir ee ay ku dishay duleedka Jamaame uu ahaa sarkaal ka tirsan Al-Shabaab” ayuu yiri afhayeenka.

Waxaa uu sheegay in qofka ay dileen Mareykanka uu ahaa Suldaan ka mida salaadiinta beelaha Soomaaliyeed.

Al-Shabaab ayaa degaanadeeda ka abuurtay nabadoono iyo odayaal dhaqameedyo taabacsan oo qaarkood ay ka mid yihiin kooxdaas ama la shaqeeyaan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA GAARIGA LAGU DUQEEYEY SULDAANKA LA DILAY

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mashruuc Lagu Hirgelinayo Aagga Cashuuraha Ka Caagan ee Dekedda Berbera oo la daah furay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Donald Trump oo ku laabtay Aqalka Cad iyo Dood ka dhalatay Hab dhaqankiisa !(Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo:- Natiijada ka soo baxday Shirkii Dhuusamareeb 3 ma tahay tii la sugayey?

admin