War cusub oo ka soo kordhay weerarkii lagu dhaawacay Imran Khan iyo Booliska oo..

Booliiska gobolka Wazirabad ee dalka Pakistan ayaa sheegay in ay qof kale u qabteen weerarkii lagu qaaday kolanyo uu la socday Imran Khan khamiistii. Kooxo ka tirsan hay’adaha ammaanka ayaa helay diiwaanka dhammaan kaamirooyinka CCTV-ga ee waddada uu ka dhacay weerarka.

Booliiska ayaa hore u soo bandhigay nin ay sheegeen in uu gaystay weerarkii lagu qaaday Imran Khan. Rai’sul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa dhankiisa maanta lagu wadaa in uu qabto shir jaraa’id oo uu uga hadlayo xaaladahii ugu dambeeyay.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Mr Khan laga soo saaro isbataalka oo uu maalmihii u dambeeyay looga daweynayay dhaawaca soo gaaray.

Isu soo bixii xisbiga Imran Khan oo ka soo billowday Lahore kuna socday Islamabad ayaa gaaray Gujranwala oo ka tirsan gobolka Punjab. Kumannaan qof ayaa la socday kolonyadan. Imran Khan ayaa saarnaa gaari korka ka bannaan isaga iyo qaar ka mid ah madaxda sare ee xisbiga.

Ka dibna qof ayaa billaabay inuu rasaas furo. Markii dambe waa laga itaal roonaaday ninkii weerarka geystay, waxaana ku dhawaacmay 14 qof oo uu ku jiro Imran Khan, hal qofna waa uu ku naf waayey.

Imran Khan ayaa isla markiiba la dhigay isbitaalka Shaukat Khanum ee magaalada Lohar, halkaasoo lagu sameeyay qalliin xalay xilli dambe, waxaana hadda la sheegay inuusan dhaawaciisa halis ahayn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -