Ciidamada Maraykanka oo Al-Shabaab ka burburiyey idaacadii Afaraad

Taliska Maraykanka ee qaaradda Afrika ayaa xaqiijiyey inay maalintii Isniinta ee 18-ka Jannaayo duqeyn ka gaysteen degmada Tayeglow oo ka tirsan gobolka Bakool, saacado ka hor inta aysan ka bixin Somalia.

War saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqayntaas lagu burbruriyey dhisme ay leeyihiin ururka Al-Shabaab.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa sheegtay in duqayntan lagu dhuftay idaacadda Andalus ee ku hadasha codka Al-Shabaab. Taliska AFRICOM ma aysan faahfaahin in dhismaha uu xarun u ahaa idaacadda Andalus.

Waa duqayntii 4-aad ee sannadkan cusub ay Maraykanku ka gaystaan Soomaaliya.

Duqayntan tii ka horraysay waxay AFRICOM ka gaysatay degaanka Buulo Falaay ee Gobolka Bakool 13-ka Jannaayo, waxaana talisku sheegay in duqayntaas lagu dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana lagu burburiyey hal dhisme. Dhinaca kalena warbaahinta Al-Shabaab ayaa iyagu dhinacooda sheegay in duqayntaas lagu dhuftay farac ay leedahay idaacadda Andalus ee ku hadasha codka Al-Shabaab.

Labada duqaymood ee kale waxay ka kala dheceen Kuunyo Barrow iyo Saax Weyne. Duqaynta Saax Weyne ayaa AFRICOM sheegtay in lagu dilay shan ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ku jiraan kuwii la bartilmaameedsaday, halka duqaynta Kuunyo Barrow ay AFRICOM sheegeen in lagu burburiyey dhisme.

Al-Shabaab dhinacooda waxay sheegeen in weerarka Kuunyo Barrow lagu burburiyey dhismaha idaacadda Al-Furqaan oo taageerta Ururka Al-Shabaab..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -