Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kumandoska Danab oo degaan cusub kala wareegay xoogaga Al-Shabaab (Sawirro)

Ciidamada Kumaandoska Danab ururka 6aad ee Xoogga  dalka ayaa howlgal ballaaran kula wareegay degaanka Shabeellow oo 20-km u  jira degmada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Iska horimaad kooban ka dib xoogaga Al-Shabaab ayaa isaga cararay goobtii lagu dagaalamay, iyadoo wararku sheegayaan in dadka reer Bacaadweyne qaarkood ay ka qeyb qaateen howlgalkaas.

Saraakiisha Danab ayaa sheegay inay sii wadayaan dagaalka Al-shabaab ilaa ay ka saaraayaan dalka oo dhan.

Maalmihii la soo dhaafay Galmudug ayaa ciidamo badan geysay koonfurta gobolka Mudug si looga hortago Al-shabaab oo mudooyinkan xoojisay weerarada ay ka wado gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Rooble oo la kulmay 16-kii Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq (Sawirro)

Caydiid Ali

Faah Faahino kasoo baxaya dagaal khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo faahfaahiyey tirada ajaaniibta & Soomalida lagu dilay weerarkii Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---