Cumar Filish oo ka qeyb galay aaska masuuliyiintii lagu dilay Garasbaaley (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay Janaasada iyo aaska Marxumiintii ku geeriyootay qaraxii ka dhacay Maanta Garasbaleey.

Afar qof ayaa ku dhimatay qarax maanta ka dhacay degaanka Garasbaalay ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ahaa Guddoomiye xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee Garasbaalay Cali Maxmed Macalin iyo Guddoomiyihii dhalinyarada degaankaas Cabdirashiid Dubbad.

Waxaa sidoo kale ku dhintay weerarkaas darawal iyo xubin ka mid ahaa ilaadala mas’uuliyiinta.

Mas’uuliyiinta degaanka Garasbaalay ayaa si xooggan u cambaareeyey weerarkan oo ay sheegteen maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Qaraxan ayaa waxaa sababtay miino lagu aasay waddada dhinaceeda,iyadoo gudoomiye Cumar Filish uu ka tacsiyadeeyey geerida dadka ku dhintay weerarkan, wuxuuna xusay in laamaha amaanku ay wadaan howlgalo lagu soo qabanayo kooxihii ka dambeeyey, waxaana qaraxaas masuuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -