Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo Khiyaano Qaran lagu eedeeyay

Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa si adag uga hadlay wararka soo baxaya ee tilmaamay in dhalinyaro Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday Eritrea lagu laayay dagaalka gobolka Tigrey.

Xildhibaanka ayaa ku tilmaamay arin aad u fool xun oo masuuliyad daro ah in waalidiin caruurtooda u hibeeyay in ay kamid noqdaan ciidanka Qaranka Soomaaliya dal shisheeye dagaal loo geeyo laguna laayo.

”Waa arrin aad u fool xun, murugo iyo masuuliyad darro aan qiil lahayn. Waxay walwal iyo walaac badan arrintan kusii abuureysaa waalidiinta Soomaaliyeed ee ubadkooda u hibeeyay in ay difaacaan dalka iyo dadkooda. Waxay caqabad ku noqon doontaa in la helo dhallinyaro mustaqbalka ku soo biirta ciidamada qalabka sida.” ayuu yiri Goodax Bare.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Taliyaha Hay’adda NISA Fahad Yasaiin in ay galeyn Qiyaano Qaran oo aad u weyn.

”Ma jirto khiyaano Qaran oo ka weyn, waana arrin aan looga hari doonin Fahad iyo Farmaajo dambigan ay ummadda Soomaaliyeed ka galeen.” ayuu yiri Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre.

Hadalka Xildhibaanka ayaa kusoo aadaya xili walaac xoogan laga muujinayo dhalinyaro Soomaaliyeed oo la sheegay in dagaal loo geeyay gobolka Tigrey ee dalka Itoobiya halkaasna lagu laayay, waxaana warkan beenisay dowlada Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -