DEG DEG: Dowladda Somalia oo beenisay Warar laga faafiyey ciidamo tababar u jooga Eritreya

Xukuumada Somalia ayaa caawa si adag u beenisay warar illaa xalay ay baahinayeen warbaahinta gudaha qaarkood iyo  baraha bulshada kuwaasoo sheegayey in ciidamo ka tirsan DF oo tababar loogu qaaday dalka Eritreya laga qeyb geliyey dagaalka Itoobiya ku qaaday gobolka Tigray, laguna laayey.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Somalia oo caawa ka hadlayey telefishinka ku hadla codka DF ayaa wararkaasi ku tilmaamay wax la been abuuray oo ay ka dambeyso siyaasad.

“Waxaa nasiib daro ah in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo habeen iyo maalin u taagan difaaca qarankooda laga dhex raadiyo siyaasad, waxaan halkan dowlad ahaan ka xaqiijinaynaa ineysan waxba ka jirin wararka sheegaya in ciidamo tababar u joogay Eritreya ay ka dagaal galeen woqooyiga Itoobiya ama Tigray” ayuu yiri Wasiirka.

Waxaa uu sidoo kale intaas ku daray ineysan jirin dalab DF uga yimid Itoobiya oo ku saabsan in ciidan Soomaaliyeed ay ka dagaalamaan gobolka Tigray.

“Waxaan sidoo kale cadeynaynaa ineysan weligeed dhicin in ciidan Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalalka saaxiibada ah loo diray dagaal, horey waxaa u beenoobay warar dacaayad ah oo sheegayay in ciidan Soomaaliyeed ay ka dagaalameen dalalka Liibiya iyo Azerbijan, beenta hadda la wareejinayana kuwaas waxba kama duwana” ayuu yiri Wasiirka.

Dhinaca kale, Wasiirka warfaafinta xukuumada Somalia ayaa u mahad celiyey dowladaha saaxiibka iyo walaalaha ah ee sida shuruud la’aanta ah dalalkooda lagu soo tababaro ciidamada DF si buu yiri loo soo celiyo karaamadii umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan halkan baaq uga dirayaa siyaasiyiinta iyo suxufiyiinta ka ganacsanaya caloosha iyo qalbiga hooyada Soomaaliyeed ee wiilkeedu u dhaartay difaaca Qaranka tababarkana ugu maqan yahay, hooyooyinkeen walaac ka gelinina, siyaasaduna ma gasho kicinta hooyooyinka, dacaayada iyo beenta, kuwii horey loo sheegay baa beenoobay, maalin walba in been la sheegaa waxay qalbi jab ku tahay hooyada Soomaaliyeed ugu dambeyna waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeynaa iney ku kalsoonaadaan dowladooda” ayuu yiri Wasiirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

- Advertisement -