Saciid Ciise:”Farmaajo waxaa garabkiisa ka baxay labo dal oo doorashada ka taageerayey”

Gudoomiyaha xisbiga Dadka, ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Somalia, Saciid Ciise Max’uud ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee Somalia iyo ismari waaga ka taagan arrimaha doorashada.

Qoraal uu arrimahaas kaga hadlayo oo uu soo saaray Saciid Ciise Max’uud ayuu ku sheegay in mucaarad iyo muxaafid labadaba aysan xal u heynin Soomaalida.

Hoos ka akhriso qoraalka Saciid Ciise Max’uud oo dhameystiran:

Waxaan ka mid ahay musharixiinta madaxabanaan oo dhexdhexaad ka ah siyaasadaha muxaafadka iyo kuwa mucaaradka, waxaana u taaganahay xal saddexaad oo labadaas dhinac ka madaxbanaan. Marka uu soo dhowaadey dhamaadka wakhti xileedka madaxweynaha Soomaaliya, ayey bilaabeen labadan dhinac iney ku sii socdaan gelista soohdin gaduudan, maxaa yeelay labada dhinac waxey isaga mid ka yihiin in mid walba uu u qalabqaatay isku dayga boobka doorashada la filayo iney dhacdo sanadkan 2021.

Soomaaliya waxaa wakhtiyada doorashada culaab misaaman ay uga iman jirtay kuwa kaalmada ugu yabooha, laakiin awoodaas waxaa taagdareeyey cudurka COVID-19 oo dhaqaalihii iyo siyaasadihii wadamadaas geliyey qalqal geliyey siyaasad gariir aan la hubin ka soo kabashadeeda. Sidoo kale Dalka Mareykanka oo hormood u ahaa wadamadaas ayaa galay suuxdin miyir beel ku dhow, awoodna aan u heli karin 6da bilood ee sanadkan cusub inuu cid kale arrimaheeda u soo jeesto wax ka qabadkeeda oo aan ka ahayn hadal murtiyeed aan dhaafsiisneyn afka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa garabkiisa ka baxay safiirkii Mareykanka oo uu maamulkiisii uu dhacay iyo Raisul wasaaraha Itoobiya oo ay ku furmeen dagaalo jihooyin badan uga kala yimid, labadaas shaqsi oo kaashanaya hubeynta Eriteriya iyo maaliyada Qatar ayaa MW Farmaajo ku dhiirogeliyey xeelad aysan xoog ka maqneyn sidii uu doorashada u boobi lahaa.

Hadda iyo dan waxey huriweysey In Farmaajo oo aan musharax ahayn xil ka xayuubin deg deg ah lagu sameeyo si awooda mucaaradka ay meesha uga baxdo mar hadiiba aysan jirin musharax haysata awood dowladeed oo loogu noqdo muxaafid ama loogu noqdo mucaarad ka soo horjeeda, taas waxey dawo u tahay dagaal ama doorasho la boobo.

Gudoomiyaha xisbiga Dadka,
Ahna Musharax Madaxweynaha Somalia
Saciid Ciise Maxamuud (Sacim)

- Advertisement -