C/kariin Guuleed: “Waa qiyaano Qaran, haddii ay cadaato in askar Soomaali ah lagu laayey Tigray”

Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xusseen Guuleed ayaa dembi qiyaano Qaran ku sifeeyey hadii ay cadaato in askar Soomaali ah oo tababar loo geeyey Eritreya laga qeyb geliyey dagaalkii Itoobiya ku qaaday Tigray.

HOOS KA AKHRISO QORAAL CABDIKARIIN GUULEED UU KAGA HADLAY ARRINTAAS OO LA SOO DHIGAY BARAHA BULSHADA.

Wararka la xiriira in askar Dowladda Soomaaliya tababarka ugu dirtay Eritrea in ay ka qeyb qaateen dagaalkii gobalka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya halkaana in badan lagu xasuuqay, waa war hadduu sugnaado aad u culus, xanuun badan, anfariirleh, oo abuuri kara mowjado culus oo dalka dhexdiisa ah. Waa arrin nooga baahan baaris,dabagal dheeri ah iyo hubin.

Waalidiin badan oo caruuri ka maqantahay ayaa nala soo xiriiray. Waxaa kaloo maanta bannaanbax dhigay qoysas caruurtoodii maqantahay oo aan nolol iyo geeri midna ku heynin. Ilo dhinaca Itoobiya ah ayaa sidoo kale arrinta xoojinaya, laakiin culeeska ay arrintani leedahay darteed waxaan ku daba jirnaa in aan helno raqda iyo ruuxdii dhallinyaradaas habeenka madow laga daad gureeyay dalkooda, ayagoo hamigoodu ahaa inay dalkooda difaacaan.

Hadii ay cadaadato iney arrintan dhacday oo dhallinyaradaas la galiyay dagaalkii ka socday Itoobiya, waa qiyaano Qaran oo weyn, waxeyna ka culus tahay wax walba oo ay Dowladda Farmaajo ku kacday intii ay xilka heysay, waxeyna u baahan doontaa isla xisaabtan culus oo deg deg ah.

Madaxda Dowladda Federaalka ah waxaan ugu baaqaya in aaney arrintani cadeymo cad ka bixiyaan ayna uga dhuuman sidii arrimihii hore. Waa iney u jawaabaan waalidka caruurtoodii maqantahay  oo ay dadka Soomaaliyeed-na ka qanciyaan sida ay wax u dhaceen iyo xaalka askartaas.

Waalidiinta walaacsan waxaan ugu baaqaya iney is dajiyaan, oo si miir qableh aan carruurta u wada raadino. Sidoo kale dhinacyada siyaasaddu waa iney u istagaan hawshaan oo aan la sahashan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -