Dowladda Masar oo qiratay in Sargaal iyo ciidamo kale oo badan weerar looga dilay

Ciidamo katirsan milatariga dalka Masar ayaa lagu laayay goob biyaha lagu sifeeyo oo ku taal bariga gacanka Suways, kaddib markii weerar gaadmo ah goobtaasi ku qaadeen kooxo hubeesan oo islaamiyiin ah.

Afhayeenka milatariga Masar Qariib Cabdelxaafid, ayaa qoraal uu soo saaray ku qiray khasaaraha xooggan ee ciidanka milatariiga kasoo gaaray weerarka gaadmaha ah ee lagu soo qaaday ciidanka.

Waxa uu sheegay afhayeenka in weerarkaasi ku dhinteen sargaal ciidan iyo tobadn askari oo katirsanaa milatariga Masar, waxa uu sidoo kale sheegay in weerarka ku dhaawacmeen shan askari oo kale.

Afhayeenka ayaa sheegay in weerarka kusoo qaadeen kooxo uu ku tilmaamay takfiiriyiin, waxa uuna xusay in ciidamada saxaraha Siinay ka wadaan howlgal ay ku baacsanayaan kooxdii weerarka geesatay uu sheegay in ay ku hareereesan yihiin.

Ciidamada Masar ee ku sugan gobolka Siinay ayaa la geliyay heegan buuxa kaddib weerarka lagu qaaday goobta biyaha lagu sifeeyo, kooxaha hubeesan ayaa horey weerar ugu qaadi jiray goobaha xarumaha milatraiga iyo saldhigayad booliiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -