Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi oo ka tacsiyadeeyay geerida Ugaaska Beesha Xawaadle

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo ah Ugaaska guud ee Beesha Murusade ayaa isaga oo ku sugan dalka Turkiga caawa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid ilaah ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo caawa ku geeriyooday Muqdisho.

Ugaas Cabdullaahi ayaa sheegay in uu aad uga naxay geerida caawa ku timid Ugaas Xasan, waxa uuna tacsi u diray guud ahaan umadda Soomaaliyeed, waxa uuna si gaar ah ugu tacsiyadeeyay ehelada iyo qaraarabada uu ka baxay Ugaaska.

”Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileehi raajicuun, waxaan halkan uga tacsiyadeenayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska uu ka baxay Ugaas Xasan , waxa ay aheyd geeri xanuun badan oo si weyn noo taabatay hadaan nahay dhaqanka Soomaaliyeed ” waxaan ugaaska ilaah uga baryeynaa in Janadii fardowso ka waraabiyo dambigiisana dhaafo” ayuu yiri Ugaas Faraccade.

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi ayaa sheegay in Ugaas Xasan kamida ahaa Duubabka dhaqanka kuwooda ugu waxgalka badan, waxa uuna sheegay in door muhiim ah ka qaatay nabadeynta iyo wada noolaashaha dadka ku dhaqan gobolka Hiiraan iyo deegaanbo badan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -