Musharax baaq u diray Waalidiinta Caruurtooda tababarka loogu diray dalka Eritrea

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay warka sii xoogeesanaya ee ku aadan in dhalinyaro Soomaaliyeed oo tababar loogu diray dalka Eritrea lagu laayay dagaal ka dhacay gobolka Tigrey oo lagu qasbay in ay ka qeyb galaan.

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in muhiim tahay in guddiyada difaaca labada aqal ee Baarlamaanka baaritaan deg deg ah ku sameeyaan warkan soo baxay lana kulmaan waalidiinta caruurtooda ka maqan yihiin.

Musharaxa ayaa sidoo kale ugu baaqay Waalidiinta walaacsan ee caruurtooda aan ku heyn nolol iyo geeri in ay is urursadaan oo ay si wadajir Dowladda Soomaaliya uga dalbadaan in ay ubadkoodii u soo celiso hadiiba ay nool yihiin.

”Waxaa soo xoogeysanaya walwalka iyo walaaca laga qabo, gaar ahaan waalidka masiirka dhallinyaradii Soomaaliyeed ee dalka Eritrea loo qaaday. Waxaa soo baxaya xog ah in qaarkood loo adeegsaday dagaalka ka socda Gobolka Tigreega. Waalidiinta wiilashooda maqanyihiin waa in ay is urursadaan oo ay si wadajir Dowladda uga dalbadaan in ay ubadkoodii u soo celiso, Guddoonka iyo Guddiyada difaaca labada aqal ee Baarlamaanka waa in ay hawshan u istaagaan, baaritaanna ku sameeyaan, lana kulmaan waalidiinta wiilashoodu maqan yihiin.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa khiyaano Qaran oo weyn ku tilmaamay haddii ay dhab noqoto in wiilal Soomaaliyeed sidii xaabo loogu shiday dagaal ahli ah oo dowlado shisheeye ka dhex socda, waxa uuna codsaday in Madaxweynaha arintan lagula xisaabtamo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -