Bobi Wine oo loo diiday in gurigiisa ka baxo kana hadlay natiijada Doorashadii dhacday

Dalka Uganda waxaa khamiistii ka dhacday doorasho ay si weyn ugu loolameen Madaxweynaha talada dalka Uganda haya ee Yuweri Musaveni iyo siyaasiga da’da yar shacbiyada badana ku dhax leh Uganda ee Bobi Wine.

Guddiga Doorashada ayaa shaaciyay in Madaxweyne Yuweri Musaveni mar kale ku guuleestay doorashada dhacday khamiistii, waxaana kaalinta labaad doorashada kasoo galay Bobi Wine oo olole xoogan galay.

Hogaamiyaha ugu saameynta badan mucaaradka dalka Uganda Bobi Wine ayaa si weyn uga horyimid natiijada doorashadii dhacday, waxa uuna Bobi sheegay in uusan marnaba aqbali doonin natiijada isagoona ugu baaqay taageerayaashiisa in ay diidaan natiijada.

Bobi Wine ayaa sheegay in boqolaal katirsan booliiska dalka Uganda ay isku gadaameen gurigiisa qaarkoodna soo galeen, waxa uuna tilmaamay in booliiska u diideen isaga iyo xaaskiisa in guriga banaanka uga baxaan.

Madaxweynaha Uganda oo horey talada dalkaasi u hayay 35-sano ah, waxa uuna sheegay Madaxweynaha doorashada hada dhacday in ay aheyd tii ugu wanaagsaneyn oo si dimuquraadi ah dalkaasi uga dhacda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -