Cumar Filish iyo Hassan Hamza oo kulan Muhiim ah yeeshay (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta xarunta dowlada hoose ee Xamar lagu soo dhaweeyay safiirka dowlada Qadar u jooga Soomaaliya Danjire Hassan Hamza Asad Hashem, waxa uuna kulan gaar ah la qaatay Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah kuxigeenadiisa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo safiirka dowlada Qadar u jooga Soomaaliya ayaa kawada hadlay fulinta mashaariic dhoor ah oo dowlada Qadar horey u balan qaaday in Muqdisho ka hirgalineyso.

Waxa ay sidoo kale labada dhinac kawada hadlkeen sidii loo dar dargalin lahaa mashaariicda dowlada Qadar hada ka wado magaalada Muqdisho ay kamid tahay dhismaha laamiga dheer ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Dowlada Qadar ayaa xiligan saameyn xoogan ku leh siyaasada Soomaaliya, waxa ayna Qadar taageero kala duwan ay ugu horeyso dhaqaale siisaa dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo iyo qaar kamid ah maamulada dalka ka jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -