Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo agabyo Caafimaad gaarsiisay Isbitaalka Gaalkacyo

Wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug ayaa agabyo kala duwan maanta gaarsiisay Isbitaalka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo adeegyo Caafimaad oo bilaash u fidiya bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda.

Agabyadan oo iskugu jiray Joodariyaal iyo qalab Caafimaad (Oxygine Machine) ayaa loogu talo galay in lagu daboolo qeyb ka mid ah baahida Isbitaalka Gaalkacyo.

Munaasabada Wareejinta agabkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka kala socotay maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo iyo Wasaarada Caafimaadka Galmudug.

Agaasimaha Isbitaalka Gaalkacyo Dr. Maxamed Cabdi Axmed ayaa masuuliyiintan warbixin ka siiyey xaalada uu ku sugan yahay Isbitaalka, adeegyada uu siiyo bulshada iyo baahiyaha ka jira.

“Waxaan u mahad celinaynaa Wasaarada Caafimaadka Galmudug oo noogu deeqday agabkan oo runtii dabooli doona qeyb ka mid ah baahida ka jirtay Isbitaalka, wuxuuna ku soo aaday agabkan xili si weyn loogu baahnaa” ayuu yiri agaasimaha isbitaalka Gaalkacyo.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Maamulka Gaalmudug iyo C/raxmaan Cali Diiriye iyo Duqa degmada Gaalkacyo C/raxmaan Shiikh Xassan Jimcaale oo iyana munaasabadaas ka hadlay ayaa ku ammaanay Wasaarada Caafimaadka Galmudug agabka ay soo gaarsiisay isbitaalka iyo sida ay mar walba ugu taagan yahay wax ka qabashada xaaladaha Caafimaad ee ka jira degaanada Galmudug, iyagoo ku booriyey iney dedaalkooda halkaas ka sii wadaan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug Dr. Mahad Caabi Ciise oo gebagebadii ka hadlay munaasabadas ayaa ka hadlay agabka Caafimaad ee ay soo gaarsiiyeen Isbitaalka Gaalkacyo iyo dedaalka Wasaaradu ugu jirto xoojinta adeegyada Caafimaad ee degaanada Galmudug.

“Maanta waxaan Isbitaalka Gaalkacyo soo gaarsiinay Mishiinada ogsijiinka iyo agab Caafimaad oo loogu talo galay qeybta bukaan jiifka, kuwaasoo lagu xoojinayo adeegyada Caafimaad ee Isbitaalka siiyo bulshada waxaan mahad celin gaar mudan Heyadda Caafimaadka Aduunka ee WHO oo qalabka ogsijiinta Wasaarada ugu deeqday, kuwaasoo aan u asteynay inaan u qeybino xarumaha ay ka jiraan baahiyaha Caafimaad, halkana waa goobtii Shanaad ee aan qalabkan gaarsiino” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Galmudug oo intaas ku daray in talaabadan ay muujineyso sida Maamulka Galmudug iyo Wasaarada u qaabilsan Caafimaadka ay mar kasta diyaarka ugu yihiin xoojinta adeegyada Caafimaad ee bulshada.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii Wasaarada Caafimaadka Galmudug ay sidan oo kale qalabka ogsijiinta gaarsiisay isbitaalka degmada Bandiiradley ee gobolka Mudug, waxaana ka sii horeeyey isbitaalo kale iyo xarumo Caafimaad oo lagu wareejiyey qalabkan iyo agabyo kale oo Caafimaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -