(Sawirro) Gaari qarax looga shakiyey oo la dhigay agagaarka Cogresska Maraykanka

Ciidanka Booliiska Maraykanka ayaa baaraya wax loo maleynayo bam khatar ah oo qarxi kara, kaasoo saaran gaari ku sugan meel u dhaw xarunta baarlamaanka ee Capitol magaalada Washington DC.

Dhismayaasha halkaas ku dhow ayaa laga daad gureeyey dadkii ku jirey, ha yeeshee shaqaalaha qaarkood ayaa wali ka sii hawl galaya xarunta baarlamaanka ee Capitol-ka.

Saraakiisha Booliiska Mareykanka ee Capitol ayaa sheegay in hadda ay la xaajoonayaan darawalka wada baabuurka wada walxaha laga shakisan yahay qaraxa, kaasoo joogga meel u dhaw Congress-ka, marka loo gooyo jidka dhanka Capitol-ka iyo Maxkamadda Sare.

Ujeedada darawalka wali lama ogga, sida ay booliisku sheegeen, iyadoo la xiray jidadka halkaas mara oo dhan.

Warar goor dhow ay faafisay Wakaalada wararka REUTERS ayaa agu sheegay in ninkaasi la qabtay loona taxaabay xabsiga, waxaana socda baaritaano ku aadan sababta uu halkaas u geeyey gaari bam uu saaran yahay.

Ninkaan oo ay saraakiisha sharci fulinta ku sheegeen magaciisa Floyd Ray Roseberry oo 49 jir ah, kana soo jeeda North Carolina, ayaa ka soo degay gaariga waxaana la dhigay xabsiga wax yar ka hor 2:30 duhurnimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -