Kaamirad Qarsoon oo fashilisay burcad dhac geesatay iyo Booliiska Muqdisho oo qabtay

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay labo nin oo burcad hubeesan ahaa ,kuwaa oo dhac u geestay goobo ganacsi oo kuyaalla deegaanka Weedow ee duleedka Muqdisho.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in ay daba galeen burcadan oo labo nin ahaa soona qabteen, kaddib markii laga dhax aqoonsaday muuqaalkooda kaamirada qarsoon oo duubtay xilligii ay dhaca geesanayeen.

Ciidamada booliiska ayaana burcadan dharka ciidanka dadka ku dhici jiray gacanta kuso dhigay, waxa ayna ciidamada sidoo kale kasoo heleen burcadan qaar kamid ah agabyadii ay horey u dhaceen.

Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa sheegay in burcadan gacanta lagu soo fdhigay ku socoto baaris, waxa ayna intaa raaciyeen in loo gudbin doono maxkamadda ciidamada si xukun ugu rido.

Ciidamada booliiska ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgalada ammaan ee kawadaan magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, waxa ayna ciidamada soo xireen dad kala duwan oo lagu eedeeyay faldambiyeedyo kala gedisan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -