Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika & raggii dilay oo laga jaasiyey

Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay fiidkii waxay weerar ku qaadeen goob ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah oo ku taala degaan u dhaw magaalda Pretoria.

Soomaalida la weeraray oo laba nin ahaa ayaa xilligaasi waxay ku sii jeedeen aqaladooda, waxayna gaari yar ka raaci rabeen afaafka hore ee goobtooda ganacsi, balse inta aysan dhaqaaqin ayaa dabley madow ah rasaas ay ku furtay, halkaasi waxaa ku geeryooday Khaliif Maxamed Jimcaale.

Goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay dilka kadib Soomaaliga kale ee la socday ninka la dilay uu la soo baxay qori gaariga u saarnaa, kadibna burcada oo laba heyd uu mid dilay kan kalena dhaawacay.

Marxuum Khaliif Maxamed Jimcaale ayaa laba todobaad ka hor Muqdisho ka baxay, kadib markii uu guursaday, balse qadarta alle ay ku qabsatay Koonfur Afrika, iyada oo guurkiisa laga joogo muddo aad u kooban.

Soomaali fara badan ayaa sanadihii la soo dhaafay lagu dilay dalka Koonfur Afrika, qaarkoodna dhac ayaa loogu daray, waxaana falalkaas geysta burcad dalkaas u dhalatay, iyadoo Booliska dalkaasna uusan illaa hadda waxba ka qabanin dilalka lagu hayo Soomaalida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -