Axmed Madoobe: “Dowladda federaalku wey naga diiday in la wadahadlo”

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maalmahan ku sugan Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diidey inay wadahadal la gasho maamulkiisa.

Axmed Madoobe ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu u jeediyay Dadweyne kala duwan oo uu kula hadlay Jaamacada bariga Afrika ee Magaalada Boosaaso.

Waxaa uu intaas ku daray in dad badan aaminsan yihiin inay iyaga dowladda curyaaminayaan, hase yeeshee isaga uu dalbadey wada-hadal balse uu waayay dad uu la hadlo.

“Runtii dadka waxaa ay inaga aamineen inaan dowladda lugaha aan heysano, waxaa ii yimid Guddoomiyaha Aqalka Sare, waxaana ku iri Farmaajo ila hadashii laakiin jawaabtii uu i siiyey ayaa waxay aheyd in uusan heyn cid uu ila hadalsiiyo” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa ugu dambeyn sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay dhibaatooyin kala duwan ku heyso dowlad goboleedyada qaarkood gaar ahaan Maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale amaanay dadaalka dadkii Aas Aasay Goobaha waxbarasho ee Puntland gaar ahaan Jaamacada bariga Afrika oo wakhtiyo adag soo garab istaagay Shacabka Soomaaliyeed iyadoo dhinac walba uu dalku ka burburay waxa kaliya ee shacabka Soomaaliyeed ay ku fara adaygeen ay tahay tacliinta sida uu Madaxweynahu sheegay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -